toddobaatan
(m.l.t.)Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; “70”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toddobaatan ↴
caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
toddobaatameeye [m.l.t.]
Tiro toddobaatan ku dhow. ld toddobaatameeyo.
toddobaatanaad [m.l.t.j]
1. Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma toddobaatan. 2. Sannada-ha u dhexeeya toddobaatanka iyo siddee-tanka. ld toddobaatamaad.
waxaraxir [m.dh]
(c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg