togane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)

Tiro xisaabeed oo eber ka badan.

togane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)

(kiim.) Labada saldanab, isla eg oo walxuhu leeyihiin middood oo aan elektaroonno xambaarsanayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh togane

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

atam [m.l] (-myo, m.dh)
(fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.

itaal-danabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Summad E. Itaalka badada danabka ee bar, waa xoogga saaran halkii saldanab togane ah oo yaalla bar ka mid badada danabka. Xoogga, F, ee ku abbaaran saldanabka, Q, waxa lagu helaa F = QE, markaas E = F/Q halbeegga itaalka danabku waa (N/C).

qotintogane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(kiim.) Qotin leh keyd danab togan, soona jiita ayoonnada taban, marka danab-soociddu dhacayso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg