tol
(m.l) (-lal, m.l)1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran.
tol
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-olay, -oshay)1. Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax is kula qabasho. 2. Hal ilmo diiddey qallacid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tol ↴
saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka
looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo,
m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro
midkood; raar; xakab. raar, xakab
ugaas [m.l]
Nin tol madaxnimadiisa loo caleemasaaray.
unko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
Weel toliddiisa ama caw, harrar iwm falkintooda billaabid.
waalli [m.dh]
1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis.
wabar [m.l]
1. Nin qolo ama tol madax u ah. 2. Mid quman, wanaagsan, suuban.
aarad [m.dh] (-do, m.l)
Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.
abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.
argeeg [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Geed nagaar aan qodax lahayn, oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dhaadheer oo weelbiyoodka laga tolo.
baalentoloji [m.l]
(taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka
soomaalida, waana shibbane.