tolan
(m.l) (-anno, m.dh)

Liilan dheer oo saamaha laga jeexo oo kabaha lagu tolo. ld tolon.

tolan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax la tolay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tolan

abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.

biid [m.l]
1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof)..

dallaayad [m.dh] (-do, ml.)
1. ld dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud.

diric [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.

funaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.

harqaaman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax tolan ahaansho.

jeeb [m.l]
Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan.

khamiis [m.l] (-syo, m.dh)
Dhar tolan oo ilaa canqowyada jooga, gacmo dheerna leh oo raggu gashadaan. ld qamiis.

qobtolan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Heeryo wax la qobtolay ahaansho.

qolqol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.

tol [m.l] (-lal, m.l)
1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran.

tol [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-olay, -oshay)
1. Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax is kula qabasho. 2. Hal ilmo diiddey qallacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg