toobin
(m.l) (-nno, m.dh)1. Gees ama qalab kale oo u eg oo oogada, inta la saro, dhiigga buka lagaga toobo, lagaga soo saaro. 2. Shaxan joomitiri oo leh qaabka koombada.
toobin
(m.l)(daaw.) Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo.
toobin
(m.l)(xis.) Adke salkiisu yahay xood sallax oo oodan, kuna dhammaada bar gees dibedda ka ah sallax saleedka.
toobin
(m.l)1. (bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas. 2. (c.nafl.) Dhinaca anatomiga xayawaanka: nooc unug qaabile ah oo xasaasi u ah ilayska, lagana helo ratiinaha lafdhabarleyda dhexdhiisa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toobin ↴
saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed
oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay
isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax.
2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.
borojekshan-toobineed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Khariidad la sameeyo marka galoobka lagu wareejiyo warqad toobin oo kale u samaysan. Figta toobinku way ka sarraysaa cidhifka dhulka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa toobinka dushiisa, dabadeedna toobinka ayaa la kala fidiyaa.
dalaandal [m.l]
(daaw.) Sarsaridda meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay la sarsaro iyadoo dhiigga toobin looga soo nuugayo.
dalaandal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
(daaw.) Meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay, si toobin dhiigga looga soo nuugo sarsarid.
folkaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
jeedshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiq toosan oo la xiriirta toobineed. Fogaanta xarriiqdani ay u jirto bar kasta oo ku taalla toobineed oo loo qaybiyey fogaanta ay barmaguuraan ah u jirto bar taasi waa saami madoorsoome ah.
karaytar [m.l] (-rro, m.dh)
(jool.) Dalool wareegsan oo ku yaalla toobinka folkaa-naha dushiisa.
kulmis [m.l]
(xis.) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.
kutirsane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xis.) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.
labasaab [m.l] (-byo, m.dh)
(fiis.) Nooc toobineed oo leh xoodbeeg ka weyn hal, ama waa xood furan oo leh laba laamood iyo laba dhibcood ee wanqareed. Habdhiska kullannada kaartis, isle'egla beegaalka ah ee labasaab waa: x2 - y2 = 1. ld labosaab.
toob [m.l] (-bab, m.l)
Nooc ka mid ah cambuurrada dumarku qaataan.
toob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn.