tumaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Qof biraha farsameeya. 2. Sab.

tumaal
(m.dh)

Naag tumaal ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tumaal

bankad [m.dh] (-yo, m.l/dh)
Nooc marwaxadaha gacanta lagu socodisiiyo ka mid ah oo tumaaluhu dabka ku huriyo.

buufimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.

dubbad [m.dh] (-do, m.l)
Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.

tumaali [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate] (-iyaal, m.l/dh)
T. ah: wax gacan lagu farsameeyay (bir).

tuma [mu.we.dh]
(kuwama, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg