tumo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-untay, -umatay)

1. (f.g) Bir qalab ka samaysasho. 2. (f.mg) Wan dhufanan ka dhigaasho. 3. (f.mg) Qof wuxuu jecelyahay ku raaxaysasho. 4. (f.mg) Ku t.: qof korkii ama wax kale ku durdurin, ku baabbacayn; cagaha la dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tumo

waab [m.l] (-bad, m.l/waab, m.dh)
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.

saar [m.l] (-rar, m.l)
1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.

waago [m.dh]
Marka karoorka badarka la tumo ee maseggadu sabuulka ka baxdo dufalka soo hara.

abaaseere [m.l]
Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.

bowbow [m.dh]
B. dheh: codka durbaanka iwm. ay sameeyaan marka la tumo.

buraambur [m.l] (-rro, m.dh)
Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.

caweys [m.l]
1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. ld caweyn.

dhenged [m.dh] (-do, m.l)
Ul yar oo dhuuban oo badanaa carruurta iyo xoolaha lagu tumo. ld dhengad.

durbaan [m.l] (-nno, m.dh)
(muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. ld gurbaan.

gambuus [m.l] (-syo, m.dh)
(muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada lagu tumo oo ka samaysan qori ama bir wareegsan oo hal dhinac harag kaga haaranyahay.

tu [mu.ac.dh]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tus. “Tu wanaagsan baan ku toosay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg