tun
(m.l)Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
tun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-umay, -untay; -umi)1. Badar iwm buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tun ↴
utun [m.dh]
Godob weyn; aano.
yoose [m.l]
Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
afweyn [m.dh]
Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.
baan [m.l] (-nan, m.l)
Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
cimilo-fidsan [m.dh]
(juqr.) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.
cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
giir [m.l]
1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iwm tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoo.
hoobal [m.l] (-llo, m.dh)
1. (riw.) Qof heesaa ah ama jila riwaayadaha. 2. Qof dheela ciyaaraha. 3. Shaydaanka ugu weyn cayaaraha la tunto. ld hobol.
isfeel [m.l]
Ciyaar lagu tartamo oo la tunto habeennada bisha Ramadaan, waxaana ku tartami jiray xaafadihii hore ee magaalada Xamar.
istun [m.l]
Xus dhaqameed weyn oo ula la isla dhaco oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Afgooye.
t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka
soomaalida, waana shibbane.