waaya-aragnimo
(m.dh)Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waaya-aragnimo ↴
abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.
abwaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.
bisayl [m.l]
1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.
bisil [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-slaa, -slayd)
1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iwm wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho.
gadaalkagaar [m.l]
Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.
golajoog [m.l]
1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
murti [m.dh]
Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iwm laga dhex helo; xigmad.
ruugcadde [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Nin da'weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.
xeeldheere [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-rayaal, m.l/dh)
Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.