wacad
(m.l)

Ballan adag oo la galo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wacad

tacdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.

wacadfur [m.l]
Wacad la dhigtay oo la jabsho.

wacadfur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ku w.: ballan adag oo la galay ka bixid.

wacadfurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wacadfur². ld wacadfuryo.

wacadfuryo [m.dh]
ld wacadfurid.

wacadqabe [m.l]
Qof wacad u galay ka baxay oo inkaar qaba.

habarwacad [m.l]
ld habarwacasho.

jadeerwacad [m.l]
ld jadeerwacasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg