waddan
(m.l) (-nno/-ammo, m.dh)

Dhul leh xuduud, xukun iwm oo u gaar ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waddan

raaciye [m.l]
1. Dad waddan ku wada nool inta maamulka haysa mooyaane inta kale oo la xukumo; shacbi. 2. Dad inta aan ciidan ahayn; rayid. ld raaciyad. raaciyad, rayid, shacbi

laaji [m.l] (-iyo/-i'in, m.dh)
Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.

raari [m.l]
1. Nooc bariiska ka mid ah oo ka baxa waddanka Barma. 2. Meel dhir dhaadheer oo badan leh.

waddani [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof waddankiisa aad u jecel.

waddaninnimo [m.dh]
Waddani ahaansho.

waddaniyad [m.dh]
Jeclaan siyaasadda madax-banaan ee dalka.

xad [m.l] (-dad, m.l)
(taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.

aayakatashi [m.l]
(siyaa.) Xaqa uu waddan u leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo waddan shisheeye ee haystay, una doorto dawladda uu rabo. ld aayakatalin.

afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg