wareerid
(m.f.dh)eeg wareer².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareerid ↴
jaahwareerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid. jaahwareer, jahawareer, jahawareerid
bardad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cabsi kediso ah la wareerid; argaggexid. ld barkad², barkag², berded², berkeg².
dhabarjebi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm).
dhaqanwareerid [m.f.dh]
eeg dhaqanwareer². ld dhaqanwareeris².
indhadaraandar [m.l]
1. Wareeridda lagu wareero wax si aad u qurxoon. 2. Wax arki waayidda, iftiin xoog badan oo indhaha ku dhaca dartii wax lala arki waayo. ld indhadaraandarid.
indhadaraandar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax aad u qurxoon ku wareerid. 2. Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.
jahawareerid [m.dh]
ld jaahwareerid.
kawkab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Xoolo aad u harraadan ama u gaajeysan biyo badan oo ay cabbeen ku wareerid.
wareer [m.l]
Madax-xanuun; madaxwareer.
wareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid madax-xanuun dareemid. 2. Cid dayoobid.