warqab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

1. Ka w.: wax xaaladda ay ku sugan yihiin ogaasho. 2. Ka w.: cid dhaqaalayn ama daryeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh warqab

dulfadhi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Wax duljoogid iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Wax meel ku sugan ilaalin. Tus. “Ciidan baa na dulfadhiya”.

duljoog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iwm iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.

kormeer [m.l] (-rro, m.dh)
Baaris iyo ka warqabid hawl iwm socodkooda iyo baahidooda.

warqabe [m.l]
warrame.

warqabid [m.f.dh]
eeg warqab.

warrame [m.l]
Kitaab farguri ah oo ka hadlaayo falka iyo waxyaalihii ay dadkii hore ku dhaqmi jireen; warqabe.

xoghayn [m.dh]
1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg