warwar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Samayo dhuudhuuban oo dhallintu isku riddo oo gabbashada ku barato. 2. Nooc waran oo dheer.

warwar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

ld walwal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh warwar

laablaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab². laallaab

laablaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.

laali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid warwareejin.

antaweeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid si danteeda loo dhaafiyo in muddo ah warwareejin.

barbarree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Dood, run ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid tartan kula sinmid.

cagataallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid.

dawaaf [m.l]
1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid.

dawaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Iyadoo waajibka xajka la gudanayo, kacbada wareeg ku samayn. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro samayn.

dawaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii.

goloblee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Dan la'aan u warwareegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg