waxa
(Qurub | Diirad, Particle | Focus)ld waxaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxa ↴
aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka
laga qoro”.
aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y,
iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.
ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali
saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”.
2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid
qofkaa?”.