waxaa
(Qurub | Diirad, Particle | Focus)Qurub soo hor marinaya yeelaha, layeelaha ama dhammeystire kale ee weerta dhexdeeda lagu muujiyo. Tus. “Waxaa yimid Xasan”. ld waxa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxaa ↴
aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka
laga qoro”.
aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.
ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali
saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”.
2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid
qofkaa?”.
waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
wax [m.l] (-xyaalo/-xyaabo, m.l)
1. Shay; walax. 2. Arrin; talo; xaal.