xabad
(m.l)Laab; gaaddo; shaf.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabad ↴
laab [m.dh]
1. Jirka dadka soo jeedka inta u
dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad.
2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad
baac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
gaaddo [m.dh]
1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
saaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xabadka. 2. Garanbiyoole.
xabud [m.l]
1. Baruurta bogga korkiisa ka baxda. 2. Laab; xabad.
daar [m.l]
1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
daddaabbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool.
labac [m.l]
1. Xabad baruur leh. 2. Candho xoolaad oo baruur leh.
sakaar [m.l] (-rro, m.dh)
Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.