xanjo
(m.dh)

Xabag jiidanta oo aan kala go'in, badanaa tan la calashado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xanjo

ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.

barsho [m.dh]
Nooc ka mid ah xanjo oo laga dhaliyo xabagbarsho.

dheg [m.dh] (-go, m.l)
1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.

raxanreeb [m.dh]
Geed quwaax gaaban leh qodxo dhaadheer oo xooggan, diir cad iyo xanjo.

shamac [m.l]
1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. ld shimic, shumac.

xangeeyo [m.dh]
Geed yar oo laamo dhuudhuu-ban oo caano iyo xanjo wanaagsan leh.

xan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xumo ka sheegidda qof maqan (xumo laga sheego).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg