xaqir
(m.l)

Xaqa iyo sharafka wax leeyihiin oo aan la marin, loo diido; tixgelis la'aan; dulleyn; quursi; yasid. ld xaqiraad.

xaqir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Cid liidid ama yasid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaqir

ax [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.

darrow [m.l]
Liididda wax la liido ama la xaqiro; quursi. ld darraabid.

quurso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Qof xaqirid; yasid. 2. Wax saluugid.

xaqiraad [m.dh]
ld xaqir¹.

xaqiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la xaqiray ahaansho.

xaqirid [m.f.dh]
eeg xaqir².

xaqirnaan [m.f.dh]
eeg xaqiran. ld xaqirnaansho.

xaqirnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld xaqirnaan.

xaq [m.l]
1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg