xaraf
(m.l) (-rfo, m.l/xuruuf, m.dh)Alifka af lagu qoro ereyadiisa mid ka mid ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaraf ↴
a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
b [m.dh]
(ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
e [m.dh]
(e') Xarafka shanaad ee alifka
soomaaliga, kana mid ah shaqallada.
i [m.dh]
(i') Xarafka sagaalaad ee alifka
soomalida.
o [m.dh]
(o') Xarafka shan iyo tobnaad ee
xuruufta af soomaaliga ah, waana shaqal.
t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka
soomaalida, waana shibbane.
ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y,
iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af
soomaaliga, waana shaqal.
c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2). deel
xar [m.l]
1. Budada ka soo daadata qoryaha buluunbulyadu gasho. 2. Xasharaad yar oo qoryaha hoos ka cunta. 3. Dhagaxbadeed aad u khafiif ah.