xarar
(m.l)1. Geed-abaareed weynaada oo laf adag oo qoryihiisa wax lagu dhisto. 2. (-rro, m.dh) Naqash.
xarar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rdhay, -rartay; -rdhi)Wax xarar ku dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xarar ↴
daabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
ciyi [m.l]
1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
dhereb [m.dh]
Idiin xarar iyo faraq lagu qurxiyo oo lagu qaado carruurta; furaad. ld dharab³ (2).
farow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Gammaan dibadeed, leh midab isugu jira diillimo caddaan iyo madow ah oo laga helo Afrika kaliya. 2. Xoolaha aadka u cayila. 3. Xararka rarada lagu dhigo jaad ka mid ah.
gabxarar [m.l]
Leg; sakaar.
garabqodo [m.dh]
Nooc ka mid ah xarar lagu sameeyo weelasha wax lagu shubto marka la tolayo; lugdheer; macata.
maraar [m.dh] (-ro, m.l)
Qalqalooc ama xarar wax la qorayo loo yeelo.
qorixarar [m.l]
1. Mindi yar oo wax lagu xardho. 2. ld qorixardhe. (-ryo, m.dh) Qof wax xardha.
siinad [m.dh]
1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.
xarad [m.l]
Muuqaallo ka samaysan xarriiqo iyo astaamo oo wax la qurxinayo korkiisa lagu dhigo ama lagu qoro; naqash. ld xarar.
xar [m.l]
1. Budada ka soo daadata qoryaha buluunbulyadu gasho. 2. Xasharaad yar oo qoryaha hoos ka cunta. 3. Dhagaxbadeed aad u khafiif ah.