xareed
(m.dh)

1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xareed

biyadhig [m.l]
Roob da'ay biyaha dhulka korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.

biyadhig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Roob da'ay biyo dhul ku dhaafid; roob xareed dhul warid.

calcalyo [m.dh]
Biyo xareed, saafi ah.

faarofaare [m.l]
Ceel roobku biyeeyo, marka xareeddu dhammaatana la qodo oo maaxda.

gadoon [m.l] (-nno, m.dh)
Meel godan oo ciid adag ama dhadhaab ah oo marka roobku da'o xareedda laga dhurto.

hayaamiso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xasharad xareedeeyaha u eg, duusha, oo la aaminsanyahay in ay cudur siddo. 2. ld hayoomiso, huyuumiso. Cudur hindhiso iyo illin badan leh oo laga qaado hayaamisada iwm; hinjibiso.

jaqaqari [m.dh]
(bot.) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.

luuq [m.dh] (-qo, m.l)
1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.

miraxareedaad [Magac Lab | Noun Masculine]
(c.nafl.) Ukunta kaneecada iyo xayawaanka kale ee biyo ku noolka ahi ka abuurmaan.

qayb-xareedayn [m.dh] (-bo ..., m.l)
(kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg