xeeran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax la xeeray ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xeeran ↴
ag [m.dh] (-go, m.l)
Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.
agagaar [m.l]
Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. ld agaggaar.
babbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.
feer [m.dh] (-ro, m.l)
1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
nawaaxi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
sugan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.
xeernaan [m.f.dh]
eeg xeeran. ld xeernaansho.
xeer [m.l]
1. (-rar, m.l) Sharci; dastuur. 2. Xarig kor looga xiro aqalka miyiga si aan dabayshu u qaadin.
xeer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Xarig wax kor kaga xirid. 2. Wax sharci kadhigid.