xigsinayn
(m.dh)(fiis.) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagan-tahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xigsinayn ↴
abyin [m.l] (-nno, m.dh)
(xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
aragtiinka asaasiga ee kalkulaska abynan [m.l]
(xis.) Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka f(x)dx = F(b) - F(a).
heer-diirane [m.l]
(xis.) Inta jeer ee la sammeeyo xigsinaynta.
xeer silsilad [m.l]
(xis.) Hab lagu raadiyo diiranaha fansaar dhawr doorsoome. Xigsinayn ayaa la sammeeyaa iyada oo la eegaayo fansaar kasta, jawaabuhuna waa la isku keenaa.