xiis
(m.l)

1. Xiisad. 2. Geed-abaareed aad u weynaada oo xabag udgoon (guubali) leh.

xiis
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-say, -stay)

1. (f.g) Xargo dhowr ah isku soohid. 2. (f.mg) U x.: wax u hiloobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiis

xalladee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
Hadal dux iyo xiiso u yeelid.

dalxiis [m.l]
1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga.

dalxiis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Meel tamashle iyo raaxeysi ku tegid.

dalxiise [m.l] (-sayaal, m.l/dh)
Qof meel tamashle iyo raaxeysi ku jooga.

dalxiisid [m.f.dh]
eeg dalxiis².

dalxiisnimo [m.dh]
Dalxiis ahaansho (qof).

dhamas [m.l]
Geed abaareed weyn, hoos badan oo loo xiisa qaariyadaha doonyaha laga sameeyo.

godadle [m.l]
1. Nin naaga guursi badan oo xiisaalow ah. 2. Nin labo naag ama ka badan isku kol qab.

hamsa [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Shibbane dhawaaqyada hadalka ka mid ah; waa aamus yar, wuxuuna dhashaa kolka xargaha codku si degdeg ah u xirmaan oo xiisadda dabaysha u joojiyaan, degdegna u furmaan; astaan-tiisu waa ('). ld hamse, hamso.

hiwaayad [m.dh] (-do, m.l)
Xiisaynta wax si gaar ah loo xiiseeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg