xinjir
(m.dh) (-ro, m.l)

Dhiig guntamay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xinjir

kaadiraac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.

aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.

dhiig-joogsi [m.l]
(daaw.) Joogsashada dhiig socday oo ay keentay shaqada dabiiciga ah ee jirka oo ka kooban xinjirowga dhiigga iyo iskuroorka xididdada go'ay.

dhiig-urur [m.l]
(daaw.) Dhiig ku ururay soohyada dhexdooda oo xinjirooba markaas sameysmato meel soo buuran oo adagi.

dhiig-xinjirow [m.l]
(daaw.) Falalka taxanaha ah oo uu dhiiggu iska beddelo darere oo u beddelmo adke.

embolas [m.l] (-syo, m.dh)
(daaw.) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.

fibrin [m.l]
(baay.) Borotiinta aan milmin ee samaysa miiqa yaryar ee laga helo meelaha dhaawacma, kuwaas oo aasaas u ah xinjirowga dhiigga.

hiimofiiliya [m.dh]
(daaw.) Astaan ama cudur lagu yaqaanno labka, kaas oo awoodda xinjirowda dhiigga ay ka maqantahay.

muud [m.l] (-do, m.dh)
(baay.) Dareere hurdi-caddaan saafiya ah, kaasi oo soo hadha marka dhiiggu xinjiroobo kaddib, badanaana wuxuu ka kooban yahay balaasmo aan lahayn wakiillada xinjirowga dhiigga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg