xirfad
(m.dh) (-do, m.l)Shaqo aqoonteeda la leeyahay oo lagu shaqaysto; meherad. ld xirfo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xirfad ↴
yahan [m.l]
1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
adeeg [m.l]
1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.
aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.
fan [m.l]
1. Xirfad bani-aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha. 2. ld fan. Dusha gaadiidka, qaybta hore ama dambe ee alaabta yaryar la saaro.
farsamabarad [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof xirfad baranaya.
fuundi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nin xirfadda daaraha lagu dhiso yaqaan; wastaad.
ganacsi [m.l]
1. Xirfad ku saleysan is dhaafsi badeeco, lacag iwm. 2. ld ganacsash.
hab-farsamadeed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
istiraatijiyad [m.dh] (-do, m.dh)
1. (siyaa.) Qorshe la qabto si loo gaaro himilo, gaar ahaan siyaasadda, dagaalaha, ganacsiga. 2. (siyaa.) Qorshe xirfadeed in lagu meeleyo ciidan iyo hubka, si loo helo guusha ama faa'idada ugu fiican.
kala-jeexid [m.dh]
Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.