xiriiri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Dad xiriir wanaagsan la yeelasho. 2. Awr iwm isku daba xirid. 3. Dad, hawl iwm xiriir ka dhexeysiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiriiri ↴
na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba
tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana
demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la
siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.
maadaama [Xiriiriye | Conjunction]
Eray lagu xiriiriyo weer sababley
ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska
joog”. ld maaddaama. maaddaama
ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e
laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.
waayo [Xiriiriye | Conjunction] (nax.)
Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”.
afweyn-holac [m.l]
(daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space)la xiriiriya godka dhegta dhexe.
asii [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus. “Lagac baan siiyay asuu diiday”.
bacdamaa [Xiriiriye | Conjunction]
Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. ld maadaama.
dabaxir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin.