xiriiriye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

1. Qof bar-naamijyada ka baxa raadiyaha, telefishinka iwm dadka la socodsiiya. 2. Wax isku xira laba shay ama ka badan.

xiriiriye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

(nax.) Curi-yeyaal aan isbeddeleyn oo loo adeegsado xiriirin labo erey ama labo koox erey oo weer iskula jira amaba labo weerood oo kala madax bannaan. Tus. “Sahal iyo Malyuun waa walaalo”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiriiriye

oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.

maasha [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tus. “Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday”. ld maansha.

taxan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-xnaa, -xnayd)
1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola, wax dun la iskula xiriiriyey ahaansho. 2. Tiro wax sidey isugu xigeen isu daba yaal ahaansho. ld tixan².

xuub-maskaxeed [m.l] (-bab.../-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.

xiriiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dad xiriir wanaagsan la yeelasho. 2. Awr iwm isku daba xirid. 3. Dad, hawl iwm xiriir ka dhexeysiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg