xiriirso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

1. Wax, wax kale ku daba xirasho. 2. Cid afduubid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiriirso

xiriirsasho [m.f.dh]
eeg xiriirso.

xiriir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qaab wax is daba yaalla ay isugu xiran yihiin. 2. Cilaaqaad ka dhexeeya laba qof ama ka badan. 3. Urur lammaaneyaal horsan, ama isku xir ka dhexeeya kutirsaneyaasha urur ama ururro.

xiriir [m.dh]
ld xariir¹.

xiriir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax si aan kala go'lahayn isu daba jooga noqosho. 2. La x.: arrin xogteeda cid kala hadlid. 3. ld xariir².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg