xirsi
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro balaayo xijaab ahaan loo qaato. 2. Cunto, lacag, iwm oo balaayo xijaab ahaan loo bixiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xirsi

nabaaddiinaxir [m.l]
(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiineysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.

afuuf [m.l]
1. ld afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.

makaraan [m.l] (-nno/makaraan, m.dh)
1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.

mingelyo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. Quraan la akhristo oo xirsi xir ah. 2. Labada cirguduudood. 3. Hantida ugu horreysa ee la siiyo gabar guur laga doonaayo aabeheed. ld mingeliyo.

qardhaas [m.dh] (-so, m.l)
Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro belaayo-xijaab ahaan loo xirto; xirsi.

xijaab [m.l] (-byo, m.dh)
1. Wax wax celiya ama isku gudba ama qariya; daah; ilixir. 2. Qardhaas; xirsi; makaraan.

xirsifur [m.l] (-ryo, m.dh)
X. ah: waxa loo sadqeeyo qof sixir lagu sameeyey ama jirro darani hayso, si uu uga badbaado halista.

xirsixir [m.l]
ld xirsixirid.

xir [m.l] (-rar, m.l)
Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn.

xir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg