xisbi
(m.l)

1. (axsaab, m.dh) Urur siyaasi ah oo loo sameeyey in ay maamul dawladeed ka qaybgalaan. 2. Quraanka oo lixdan meelood loo qaybiyey meel ahaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xisbi

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e

axsaab [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg xisbi.

farac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Durriyad. 2. Laan hay'adeed, bangi, xisbi iwm oo meel ka furan.

kali-talis [m.l]
(siyaa.) Dawlad keli talis ah, waa nidaam dawladeed ee xisbi keliya waddanka xukumo, oo aan u oggoleyn kooxo ka soo horjeesta.

siisto [m.dh] (-ooyin, ml.)
Erey macnahiisu walaal u dhigmo oo loo yiqiin haweenkii xisbiga leegada xubinta ka ahaa.

xisbiyiin [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
Xubno xisbi ka tirsan.

xis [m.l]
Dareen; miyir.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg