xishoo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)Dhaqan iyo asluub wanaagsan ku dhaqmid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xishoo ↴
naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
qaaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
yaxyax [m.l]
1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid.
yaxyaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
afxaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof cay badan oo aan xishoon.
agagas [m.l]
Qof aan ka xishoon waxyaabo bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.
alaah [m.l] (-hyo, m.dh)
Qof baryo badan oo aan xishoon.
ardaal [m.l] (-llo, m.dh)
Qof aan ceebta ka xishoon.
baqtijiid [m.l]
Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. ld bakhtijiid¹.
baqtiquf [m.l]
B. ah: qof aan ka xishoon in uu sheego waxyaabaha xun. ld bakhtiquf¹.