xishood
(Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine)

eeg xishoo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xishood

naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

qaaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.

yaxyax [m.l]
1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid.

yaxyaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.

baqtiquf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Qof waxyaabo xun oo laga xishoodo sheegid. ld bakhtiquf².

biiriqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof si xishood darro ah u qaata laaluush.

foolnugayl [m.l]
1. Cabsi badi qof leeyahay. 2. Xishood badi qof leeyahay.

foolnugul [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, -glayd)
1. Wax cabsi badan ahaansho. 2. Wax xishood badanahaansho.

haybad [m.dh]
Sharaf, xishood, golajoog iwm oo cid ka muuqda.

indha-adag [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dkaa, -dkayd)
Qof aan ceeb ka baqaynin ama xishood yar ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg