xood
(m.l) (-dyo, m.l)1. Ul yar; dhenged. 2. Xoodamis; salaax.
xood
(m.dh)1. Xoodamis; salaax. 2. Hab ceelasha qaarkood loo shubo.
xood
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Xarig iwm oo dabacsan togid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xood ↴
saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed
oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay
isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax.
2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.
laace [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).
laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
laandeyr [m.dh]
Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.
qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.
ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.
xagal-adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.
yalanyalxood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg yalanyalxoo.
baamiye [m.l]
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
baangad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.