xuurto
(m.dh)

Culays ku yimaada neefta marka nafley orod ku daasho ama hawl iwm. ld xiiq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xuurto

haftoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xiiqid ama xuurto dareemid.

xiiq [m.dh]
1. Neef xoog leh oo nafleyda qabata kolka in badan la ordo; xuurto. 2. Xiiqdheer; kix.

xiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Xiiq qabsasho; xuurtoodid.

xuurtee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Cid xuurto badid. ld xuurtaysii.

xuurtoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xuurto dareemid.

xuurtood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg xuurtoo.

xuur [m.l] (-ro, m.l)
1. Inan da'yar. 2. X. ah: yar, aan weyneyn.

xuur [m.dh]
1. Gabar yar oo aan fil weyneyn. 2. Shimbir luqun dheer.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg