yaaq
(m.l)(bot.) Geed dheer oo aad iyo aad u sal iyo jirrid iyo dhex weyn: mayraxdiisa waxaa laga sameeyaa xargo iyo waxyaalo kale; mirihiisu waxay leeyihiin qaabka qulucda, buruq la cunana waa leeyihiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaaq ↴
yaaqil [m.l]
Shilin yar oo markaa ugaxnimadii ka soo baxday.
yaaquud [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
dabayaaqo [m.dh]
Wax badankii tegay inta yar oo dambaysa; badbaadi.
riyaaq [m.l]
Farxad iyo xaalad wanaagsan oo lagu jiro. ld riyaaqid.
riyaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U r.: wax dhacay ama la sameeyey aad ugu bogid.
riyaaqid [m.f.dh]
eeg riyaaq². ld riyaaq¹.
sayaaq [m.l] (-qiin/-qyo, m.dh)
Qof ka shaqeeya farsamaynta dahabka, qalinka iwm.
tayaaqoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld tannaagoo.
tayaaqood [m.l]
ld tannaagood.
tiyaaq [m.l]
ld tiyaaqid.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg