yaw
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaw ↴
ooryawalaal [m.l] (-llo, m.dh)
Laba nin oo labo haween oo walaalo ah kala qaba, waxa ay isu yihiin. ld ooryowalaal.
ooryawalaaloobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ooryawalaalow. ld ooryowalaaloobid.
ooryawalaalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Laba nin ooryawalaal noqosho. ld ooryowalaalow.
yawyab [m.l]
1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur.
yawyab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn.
yawyabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yawyab².
cilmiga filiqsanaanta xayawaanka [m.l]
(c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.
istaarj xayawaan [m.l]
Glaykojiin.
xayawaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Naflay. 2. Sankuneefle. 3. Duunyo; xoolo. ld xawayaan.