yeelan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Kab, wadaan iwm wax la sameeyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yeelan

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

kaadiraac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.

naafo [m.dh]
Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada.

uguf [m.l] (-fyo, m.dh)
Sabuul meseggo, oo qaaday cudur ama biyo la'aan heshay awgeed, oo aan yeelan badar fiican.

yeelnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yeelan. ld yeelnaansho.

adkaysi [m.l]
(daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.

alji [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-iyo, m.dh)
(baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.

alotarobi [m.l] (-iyo, m.dh)
(kiim.) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg