bul
(m.l) (-lal, m.l)

1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe.

bul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1)

(bulay, bushay) Mayrax, dun iwm miiqyo yaryar ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bul

saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.

baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash

kaabul [m.l] (-llo, m.dh)
Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.

naadi [m.l] (-iyo/-iyaal, m.l/dh)
1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.

caado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

daabbul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.

daabbulad [m.dh] (-do, m.l)
Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule. daabbule

daabbule [m.l]
ld daabbulad. daabbulad

daabbulid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daabbul. daabbul

b [m.dh]
(ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg