cajalad
(m.dh) (-do, m.l)

Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cajalad

naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.

duub [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay,-btay)
1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.

duuban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Derin iwm wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho.

mullaay [m.dh] (-yo, m.dh)
1. Lakab mayrax ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka. 2. Liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iwm lagu duubo. 3. Liid maro ah, jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg