Ereyga Maanta: waddoohiye
candhabeel1  1. Cudur ku dhaca candhada oo xididdada caanaha waaxyeela. 2. ld candhabeelid. candhabeel2  Cudur candhada ku dhacay awgeed xididdada caanaha waxyeeloobid. candhabeelid  eeg candhabeel². ld candhabeel¹ (2).
candhable  Gun, sal.
candhadheer  Waraabaha kan dheddigga ah.
candhakar1  Weynaan iyo barar ka muuqda candho aad caano uga buuxsameen. candhakar2  Candho xoolaad aad u dararid. candhakarid  eeg candhakar².
candhakarsan  Candho xoolaad wax aad u dararay ahaansho.
candhakarsanaan  eeg candhakarsan. ld candhakarsanaansho.
candhakarsanaansho  ld candhakarsanaan.
candhasaab1  Kolay maro ama harag ka samaysan oo ariga candhada loo geliyo si aysan dhashoodu u nuugin. candhasaab2  Neef ari ah si aysan dhashiisu u nuugin kolay harag ama maro ka samaysan candhada u gelin. candhasaaban  Wax la candhasaabay ahaansho (ari).
candhasaabasho  eeg candhasaabo.
candhasaabid  eeg candhasaab².
candhasaabnaan  eeg candhasaaban. ld candhasaabnaansho.
candhasaabnaansho  ld candhasaabnaan.
candhasaabo  Ari irmaan si aysan dhashiisu u nuugin candhasaab u gelin.
candhayn  eeg candhee.
candhee  1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.
candho  Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
candhokar  Candho xoolaad aad u dararid.
candhokarid  eeg candhokar.
candhokarsan  Candho xoolaad wax aad u dararsan ahaansho.
candhokarsanaan  eeg candhokarsan. ld candhokarsanaansho.
candhokarsanaansho  ld candhokar-sanaan.
candhuuf1  Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. ld candhuufo. candhuuf2  (c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada. candhuuf3  Ku c.: cid candhuuf ku tufid.
page : 35 of 95
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>