Ereyga Maanta: waddoohiye
carraabin  eeg carraabi. ld carraabis.
carraabis  ld caraabin.
carraabo  Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. ld carrowtiin.
carraaw  Galab meel u socosho. ld carrow (2).
carrab  1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.
carrabbaab1  Gefka carrabka; halmaan. ld carrabbow¹. carrabbaab2  1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid. carrabbaabid  eeg carrabbaab².
carrabbow1  ld carrabbaab¹. carrabbow2  ld carrabbaab². carrabcad  Dhasha xoolaha oo caananuugga ah oo aan weli daaqid gaarin.
carrabdhaw1  Alalaas; mashxarad. carrabdhaw2  Mashxarad samayn. carrabdhebid  eeg carrabdhaw².
carrabey  ld carrablaw.
carrabjalqi  Erayo dhawaaqoodu isku dhow yahay oo carrabka carruurta lagu jilciyo dhihid.
carrabjalqin  eeg carrabjalqi. ld carrabjalqis.
carrabjalqis  ld carrabjalqin.
carrabkeliyaale  Koor hal carrab leh.
carrabkudhufad  ld carrabkudhufasho.
carrabkudhufasho  Hadalhaynta. ld carrabkudhufad.
carrabla'1  ld carrablaay. carrabla'2  Qof aan ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo karin ahaansho. carrabla'aan  1. eeg carrabla'². 2. Shigshigidda. ld carrabla'aansho.
carrabla'aansho  ld carrabla'aan.
carrablaay  Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabla'¹.
carrablaw  Nin aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabey.
carrablo'aad  Geednagaar yar, faalala, leh laamo la cuno oo alamo leh.
carrabmacaan  Si raxiim ah u hadlid.
carrabmacaanaan  eeg carrabmacaan. ld carrabmacaanaansho.
page : 45 of 95
<< < 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 > >>