xitaa ld xataa.
xobbor Qaarka sare oo horay u gota iin dhabarka gaartay awgeed.
xobboran Wax xobbor yeeshay ahaansho.
xobbornaan eeg xobboran. ld xobbornaansho.
xobbornaansho ld xobbornaan.
xoday Geed-quwaax xabag wanaagsan oo wax lagu daweeyo.
xodxodasho eeg xodxodo².
xodxodo1 Qof dumar ah oo la jecel yahay ama guur laga doonayo, hadal soo jiida oo saamays weyn leh, oo lagula hadlo; shukaansi; kood. xodxodo2 Haweeney guur ku haasaawin. xog1 ld xoq¹. xog2 1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. ld xoq¹. xog3 ld xoq³. xoghaye 1. Qof hawshiisu tahay in uu cid kale u hayo ama u agaasimo xafiis ay ka fulaan qoraallo raad-reeb leh. 2. Wasiir.
xoghayn 1. (-no, m.l) Xafiiska xoghayaha. 2. Wax xogtooda runta ah, hayn, ka warqabid; xog'ogaalnimo.
xogid ld xoqid.
xogmooge X. ah: qof aan ogayn wax dhacay.
xogogaal X. ah: qof si wanaagsan ula socda xog jirta ama sida wax dhacay u dhaceen.
xogogaalnimo Xogogaal ahaan.
xogsasho eeg xogso.
xogwaraysasho eeg xogwarayso. ld xogwaraysi.
xogwaraysi ld xogwaraysasho.
xogwarayso Cid xog qar-soon weyddiin.
xogwarramid eeg xogwarran². ld xogwarran¹.
xogwarran1 ld xogwarramid. xogwarran2 Arrin si tifaftiran uga war bixin. xoldhan Wax la xoldhay ahaansho.
xoldhanaan eeg xoldhan. ld xoldhanaansho.
xoldhanaansho ld xoldhanaan.
xoldhid eeg xolor.
xolod Jirrid weyn oo qallalan oo labada af mid dab ka baxayo. Qori dab leh.
page : 47 of 60
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>