Ereyga Maanta: caynaano
hilaadis  ld hilaadiyid.
hilaadiyid  eeg hilaadi. ld hilaadin, hilaadis.
hilan  1. Wax hil lagu xiray ahaansho (weel). 2. Wax tankiisu u dhanyahay oo aan wax kale qaadi karin ahaansho (gaadiid).
hilasho  eeg hilo².
hilay  1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.
hilbawadaag1  Xiriir qaraabannimo. hilbawadaag2  Dad xiriir qaraaban-nimo ka dhexeeyo. ld hilbawadaageen. hilbawadaageen  ld hilbawadaag².
hilbee  1. Wax cad-cad u googoyn. 2. Neef qalid. 3. Qof tumid ilaa uu jilco.
hilbeyn  eeg hilbee.
hilbeysad  ld hilbeysasho.
hilbeysan  Wax tumid lagu jilciyey ahaansho.
hilbeysasho  eeg hilbeyso. ld hilbeysad, hilbeysi.
hilbeysi  ld hilbeysasho.
hilbeysnaan  eeg hilbeysan. ld hilbeysnaansho.
hilbeysnaansho  ld hilbeysnaan.
hilbeyso  1. Neef qalasho. 2. Nafley naaxid.
hile  Xarig aan dheereyn oo xababka lagu raro marka la dhaansho.
hilib  Jiirta iyo baruurta ka baxda oogada nafleyda.
hilib-ure  Hilib ku yaal sarcanyaha iyo kilkilooyinka xoolaha.
hilibcinjir  Dhiig fariistay dhaawac awgiis.
hilibcune  (c.nafl.) Xayawaan quuta cunto ka timid xayawaan. Hilib cunayaashul waxay leeyihiin ilko fiiqfiiqan oo si fiican u jar jari kara hilibka. Tusaale: libaaxa.
hilibdalqe  Hilib yar oo dhuuban oo dalqada korkeeda ka soo laallaada. ld hilibdalqo.
hilibdalqo  ld hilibdalqe.
hilible  1. Qof hilibka ka ganacsada; kawaanle. 2. Kawaan.
hiliblee  Hilib ka ganacsasho.
hilibleyn  eeg hiliblee.
hilibsafan  Dildillaac cirbaha dadka yeeshaan. ld safan.
hilibtahan  Qof hilibka aad u cuno. ld hilibyahan.
hilibyahan  ld hilibtahan.
page : 60 of 93
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>