Ereyga Maanta: qaqaan
hoo1  Siinta cid wax la siiyo. hoo2  1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado. hoo3  1. Xoolo, dad iwm habeen meel bariisiin. 2. Xoolo, dad iwm hoy gelin. 3. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan siin. ld hoy², hoyi. hoobaalayn  ld hooyaalayn.
hoobaale  ld hooyaale.
hoobaalee  ld hooyaalee.
hoobaan  Miro aad u bislaaday.
hoobad  1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. ld hoobasho.
hoobal  1. (riw.) Qof heesaa ah ama jila riwaayadaha. 2. Qof dheela ciyaaraha. 3. Shaydaanka ugu weyn cayaaraha la tunto. ld hobol.
hoobalad  Haweeney u go'day fanka iyo suugaanta; fannaanad.
hoobale  ld hooyaale.
hoobasho  eeg hoobo. ld hoobad.
hoobeyaa  Halqabsi lagu billaabo ama loo adeegsado huwaaleyda oo ah heesta carruurta lagu hurdisiiyo.
hoobi  1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
hoobin  eeg hoobi. ld hoobis.
hoobis  ld hoobin.
hoobiye  Qori boobe culus ah, lugo lagu istaajiyo leh oo xabbado badani ka dhacaan.
hoobo  1. Meel taag ah ka daaddegid. 2. Nafley le'asho.
hoobsad  ld hoobsasho.
hoobsasho  eeg hoobso. ld hoobsad, hoobsi.
hoobsi  ld hoobsasho.
hoobsii  Weel buux-dhaafay si uusan u daadan wax qof ka cabsiin.
hoobsiin  eeg hoobsii. ld hoobsiis.
hoobsiis  ld hoobsiin.
hoobso  1. Weel buuxdhaafay si uusan u daadan in ka cabid. 2. Wax meel ka daadasho. 3. Miro xaabsasho.
hoodaar  1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay!. ld hooddaar.
hoodaddee  Qof danihiisa ka jeedin.
hoodaddeyn  eeg hoodaddee.
hoodaddo  Ka jeedinta qof danihiisa laga jeediyo.
hoodadee  1. Qof danihiisa ku jeedin. 2. Qof si qarsoodi ah ugu hiilin.
page : 72 of 93
<< < 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 > >>