qubleey Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
qubnaan eeg quban. ld qubnaansho.
qubnaansho ld qubnaan.
qubo1 Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah. qubo2 Wax daadasho. qubsii Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
qubsiin eeg qubsii.
qubul Q. ah: neef geel ah oo shilis.
quburi Q. ah: qof ahmiyad gaar ah siiya ku cibaadeysiga qubuuraha.
qubuul Oggolaansho.
qubuur eeg qabri. ld qabuuro.
qubuurro eeg qabri. ld qabuuro.
qudde 1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. ld qunde (2). Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
quddee Qudde ku la shub.
quddeyn eeg quddee.
qudduuc Qof waxbixinta ku iimaan xun.
qudduucnimo Qudduuc ahaansho.
qudkool ld qutool.
qudrad 1. Awood; tamar. 2. ld khudrad.
qudunquute ld qudunquuto.
qudunquuto Shimbir qooleyda xoogaa ka weyn, leh midabbo kala duwan, gafuur dheer oo soo yara godan oo guduudan. ld qudunquute, quudquuto, quutaquute, quutaquuto.
qudur Q. ah: nin aad bakhayl u ah.
qudurad Haweeney aad bakhayl u ah.
quduro Yaab; amakaag.
quf Wax meel ka buuxaan in in uga soo saarid.
qufac1 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka. qufac2 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid. qufad Weel aabbur leh oo cawda laga sameeyo oo alaabada yaryar lagu gurto; gunnad.
qufan Wax meel ay ku guda jireen laga soo qufay ahaansho.
qufasho eeg qufo.
page : 74 of 86
<< < 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 > >>