quluulad ld quluulasho.
quluulasho eeg quluulo.
quluulo Xoolo da'weyn ama dad nafaqaxumo awgeed meel uga kici waayid.
qumannimo Qumay ahaansho.
qumanyannimo Qumanyo ahaansho. ld qumayanimo.
qumanyaysad ld qumanyaysasho.
qumanyaysasho eeg qumanyayso. ld qumanyaysad, qumanyaysi, qumayaysad, qumayaysasho.
qumanyaysi ld qumanyaysasho.
qumanyayso Qof nafley ama wax kale oo qiima leh il wax ku yeelid. ld qumayayso.
qumanyo Q. ah: naag karti u leh in ay il cid wax ku yeelayso. ld qumayo.
qumaqase Gobaha qoriga ka samaysan kan ugu fiican.
qumay Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
qumayanimo ld qumanyannimo.
qumayaysad ld qumanyaysasho.
qumayaysasho ld qumanyaysasho.
qumayayso ld qumanyayso.
qumayeysi ld qumanyaysasho.
qumaynnimo Qumay ahaansho.
qumayo ld qumanyo.
qumbaar Tuke.
qumbac 1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.
qumbacasho eeg qumbaco.
qumbaco Qof jirro ka soo bogsoonaya oo howl galay dhibaato la kulmid.
qumbahool ld qumbahoole.
qumbahoole Qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. ld qumbahool.
qumbe 1. Geedka naarjiinka. 2. Miraha geedka naarjiinka. 3. Xasdharaad yaryar oo dhiigga xoolaha ka nuuga. 4. (-bayaal, m.l./dh) Weel harag ka samaysan oo subagga lagu shubto. ld qunbe.
qumbulad Bambo weyn.
qumi 1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iwm u fulin.
qumid eeg qun².
qumin eeg qumi.
page : 77 of 86
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>