Ereyga Maanta: qaqaan
sirid  eeg sir².
siriq1  Qool xargaha iwm loo yeelo oo markii la dhufto isku roora. siriq2  Il xarig isku roorid. siriqsan  1. Wax dhuunta xarig looga rooriyey ahaansho (nafley). 2. Xarig siriq leh ahaansho.
siriqsanaan  eeg siriqsan. ld siriq-sanaansho.
siriqsanaansho  ld siriqsanaan.
siriqsasho  eeg siriqso.
siriqso  Xarig siriq u yeelasho.
sirir1  Nafley la ceejiyey wareerka iyo xanuunka ka gaara ee ay la indhacaddayso. sirir2  1. Nafley suuxid. 2. Nafley ceegsamid. siriri  1. Cid suuxin. 2. Cid ceejin.
siririd  eeg sirir².
siririn  eeg siriri. ld siriris.
siriris  ld siririn.
sirirsan  Wax la siririyey ahaansho.
sirirsanaan  eeg sirirsan. ld sirirsanaansho.
sirirsanaansho  ld sirirsanaan.
sirkudilyayn  ld sirdilid.
sirkudilyee  ld sirdil.
sirkudilyo  ld sirdilyo.
sirmaqabe  Qof aan khayaamo aqoon oo daacad ah.
sirmid  eeg siran.
sirnaan  eeg siran. ld sirnaansho.
sirnaansho  ld sirnaan.
siro  Cid sir wax kaga qaadid.
sirooko  (juqr.) Dabayl koonfareedda ka dhacda woqooyiga Afrika, Sisily (Sicilia), iyo koofurta talyaaniga, oo ka soo kacda saxaaruhu, waa kulushahay, qallalantahay, marmarka qaarkoodna waa bus miidhan.
sirqannimo  Sirqo ahaansho.
sirqi  Nafley si ay neeftu ugu ceshoonto cunaha xarig kaga xirid.
sirqid  eeg siriq².
sirqin  eeg sirqi. ld sirqis.
page : 95 of 118
<< < 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 > >>