Ereyga Maanta: fidmawade
xaraash2   Badeeco qiimo jaban ku gadid. xaraashid  eeg xaraash².
xarad  Muuqaallo ka samaysan xarriiqo iyo astaamo oo wax la qurxinayo korkiisa lagu dhigo ama lagu qoro; naqash. ld xarar.
xaradhaami   Cid si fiican u dhaqaalayn.
xaradhaamin  eeg xaradhaami.
xaradhaamo  Waxaaga oo la deysto oo qof kale wixii, wax lagu qabsado; wax dhaqaalaysi; tashiilad; maradhaaro.
xaraf   Alifka af lagu qoro ereyadiisa mid ka mid ah.
xarafsad  ld xarafsasho.
xarafsasho  eeg xarafso. ld xarafsad, xarafsi.
xarafsi  ld xarafsasho.
xarafso   Wax kulul ama diirran si ay u qaboobaan dabayl u dhigid.
xarakaad  ld xarako (2).
xarakad  ld xarako (2).
xarakayn  eeg xarakee.
xarakaysan   Xarako loo yeelay.
xarakaysnaan  eeg xarakaysan. ld xara-kaysnaansho.
xarakaysnaansho  ld xarakaysnaan.
xarakee   Xarako u yeelid.
xarakeysan   Far wax xarako loo yeelay ahaansho.
xarako  1. (-dyo, m.dh) Dhaqdhaqaaq. 2. ld xarakaad, xarakad. Shaqallo loo yeelo xuruufta carabiga. 3. Xiiso; farax.
xaram  ld xaran.
xaran  Meel barakaysan oo cibaadeysi loo tago sida Kacbada iyo masjidka Madiina. ld xaram.
xarar1  1. Geed-abaareed weynaada oo laf adag oo qoryihiisa wax lagu dhisto. 2. (-rro, m.dh) Naqash. xarar2   Wax xarar ku dhigid. xarbad  ld xaraabad.
xarbi1  ld xaraabad. xarbi2   Cid la dagaalamid. xarbin  ld xarbiyid.
xarbiyid  eeg xarbi². ld xarbin.
xardhan   Wax xarar loo yeelay ahaansho.
page : 24 of 60
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>